Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle .
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Wafdiga waxaa magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.
Ujeedada wafdiga ee magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa iney la xiriirto arimaha doorashooyinka ka socda magaalada Jowhar iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.


