Wefdi wasiirro ah oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray arrinta abaaraha ka jira Jubaland ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga oo u kuurgalaya xaaladda abaarta ayaa la kulmay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo guddiga abaaraha ee Jubaland, oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan heerka iyo saameynta abaartu ku yeelatay deegaannada Jubaland.
Wefdiga ayaa sidoo kale dowlad-goboleedka Jubaland gaarsiiyay deeq dawo ah oo hordhac u ah gurmadka dowladdu ka geysaneyso caawinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka walaalahood, isagoo hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkana ugu yeeray in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.



