Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta  gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay

Wafdiga Wasiirka ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa  ku soo dhaweeyay , Wasiiro , Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Gabeed qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha , iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Dastuurka DFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro geedi socodka qabya-tirka Dastuurka, magaaladana ay ku qaban doonaan wadatashiyo la xiriira hawlaha dhammaystirka Dastuurka dalka.

Wafdiga Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa inta uu ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo waxaa uu la kulmi doonaan kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Saciid Fiqi & mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas.