Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wajahan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdiggaan ayaa waxaa diraya Xukuumadda Soomaaliya, maadaama Xalad dag ay ka taagan tahay Magaalada Beledweyne ka dib markii ku fatahay Wabiga Shabeelle.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Caraale ayaa sheegay in Xaalad adag ay ka tahay Magaalada, islamarkaana loo baahan yahay gargaar deg deg ah.
Sawiro laga soo qaaday Goobaha uu Wabiga uu ka fatahay ayaa muujinayey Biyo farabadan oo yaalla Suuqa Khudaarta lagu Iibiyo iyo xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne.
Goobaha Ganacsi ee Magalada Baladweyne ayuu saameyn ku yeeshay fatahaada Wabiga,waxaana gebi ahaan maanta xiran Suuqa Khudaarta ee Magaalada baaldweyne.



