Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaarey oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyey Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Fedaralka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow).

Wafdiga Garoonka Diyaaradaha Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed,iyada oo la geeyey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

U jeedada wafdiga ka socda Xukuumadda Soomaaliya ay u tageen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay howlo muhiim ah,iyaga oo shirar kala duwan la yeelan doonan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.