Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa manta ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee wasaaradda magaalada Garowe wafti uu hogaaminayay wasiirkuxigeenka wasaaradda caafimaadka D.F Soomaliya oo uu wehelinayay wasiirka caafimaadka Galmudug.
Wasiirka ayaa ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee wasaaradda waftigan waxaana kulan wada qaateen qaar kamid shaqaalaha wasaaradda waxaana loo soo jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan sida wasaaraddu ushaqayso iyo waaxyaha ay ka koobantahay.
Waxay kormeereen xarunta qaboojinta dawooyinka wasaaradda, keydka dawada iyo qaar kamid ah xafiisyada agaasimayaasha iyo qaybaha wasaaradda iyagoo kula kulmay shaqaalaha ka shaqeeya, waxay sidoo kale kormeer ku tageen xarunta caafimaadka gobolka oo ka mid ah meelaha lagu bixinayo talaalka, shaybaarka lagu baaro Covid19 iyo cisbitaalka magaalada oo ay kula kulmeen maamulada iyo shaqaalaha ka shaqaynayay.
Kadib kormeerkooda ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka caafimaadka Puntland wasiirka caafimaadka Galmudug iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dawlada Federaalka Soomaliya.
Wasiir Jamac Farax Xasan oo ugu horay hadalka bilaabay ayaa yiri:-
Waxaa maanta 31 bisha May booqasho noogu yimid wafti balaaran oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka dalwada federaalka Soomaliya Dr Axmed Xuseen Maclin Guray oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka Galmudug Dr Abdiwali caafimaadka Soomaliya oo uu weheliyo wasiirka caafimaadka Galmudug Dr Abdiwali Abdulaahi jaamc iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Galmudug.”
“Waan ku faraxsanahay booqashadan oo ujeedkeedu uu yahay sidii la isku dhaafsan xogaha caafimaad ee la is dheeryahay heerka caafimaad ee Puntland marayso iyo qaybaha ay wasaaraddu ka koobantahay, waana dhiirigalinaysa booqashooyinka noocaan oo kale ah oo la isku tago si la la isku weydaarsado xogta caafimaad si kor loogu qaado caafimaadka dalka.”
“Waxaan rajaynayaa inaysan noqon midii ugu danbeysay ee ay noqoto midii ugu horaysay lana joogteeyo, waxaan maanta kormeernay xarumaha muhiimka ah ee wasaaradda sida xarunta dhexe, qaybaha ay ka koobantayay xarunta lagu bixinayo talaalka Covid19, shaybaarka Covid19 iyo Cisbitaalka guud ee magalaada Garowe oo aan kusoo gabagabaynay sidoo kale aan idinkala hadlayno.”



