Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxmuud Cabdiraxman Faarax Beenebeene ayaa sheegay in dalka ay kusoo wajahan yihiin Wasiirka wasaaradda Dekedaha dalka Masar, Kamel El Wazir iyo ganacsato u dhashay dalka Masar.
Ujeeddada safarka Wafdigaan ayuu ku sheegay Wasiirka in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn, iyagoo maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalkeenna.
Wasiir Beene Beene ayaa sheegay in Soomaaliya ay u aragto xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah fursad , isagoo xaqiijiyay booqashooyinka wafdiga Masar ee dhawaan imaanaya dalka ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sahaminta fursadaha maalgashi ee dalka.



