Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo gaaray Hargeysa

Wafti uu hogaaminayo wasiirka Beeraha ,Xoolaha Iyo Kaluumaysiga ee dalka Jabuuti  Maxamed Axmed Cawaale ayaa goordhaweyd soo gaaray garoonka diyaaradaha Hargeysa .

Wafdigaan ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo ay qeyb ka ahaayeen , wasiirka wasaaradda Horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed iyo wasiirka wasaaradda Horumarinta Khayraadka biyaha Maxamed Muuse Diiriye .

Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ah Wasiiro ku xigeeno ka tirsan dowladda dalka Jabuuti.

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in ay ku sugnaadaan Magaalada Hargeysa oo kulamo ay la yeeshaan mas’uuliyiinta Somaliland.

Somaliland ayaa wali ka bixin faahfaahin u jeedada Wafdiga gaaray Hargeysa.