Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan aad u hadal haya shacabka Soomaaliyeed.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sanca, Darjiinka iyo kuwo kale, waxaana xiritaanka wadooyinkan ay bilowdeen abaare 05:00-PM ee shalay, wadooyinka la xiray waxaa si aad ah u isticmaala shacabka.
Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa wadooyinkan xiran, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo aad u feejigan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) oo shalay tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa loo xiray wadooyinka Muqdisho, inkastoo markii dambe dib loo furay, waxaana wararku ay sheegayaan in Madaxweynaha halkaasi uu shaqadiisa uga sii wadi doono si KMG ah,


