Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay xirnaanshaha wadooyinka qaar ee magaalada, maadaama maanta la qorsheynayo in magaalada uu ka dhaco Banaanbax lagu muujinayo sida looga xun yahay dhacdadii Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho sida wadada Maka Al-mukarama, Wadnaha iyo wadooyin kale ayaa xiran saakay, kuwaasi oo la dhigay Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka.
Shacabka ayaa isticmaalaya wadooyinka, iyaga oo lugeynaya, keliya wadooyinka waxaa maraya Gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shacaka reer Muqdisho ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan Banaanbaxa maanta dhacaya, si dareenkooda ay u muujiyaan.
Dhammaan goobaha waxbarasho oo ay ka mid yihiin Jaamacadaha iyo iskuulada ayaa la fasaxay maanta, maadaama dhammaan dadka oo ay u badan yihiin dhalinyarada ay ka qeyb galayaan Banaanbaxa.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Banaanbax uu ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon, halkaas oo boqolaal qof ay isugu soo baxeen, iyagoo ka careysan qaraxii dadka faraha badan lagu xasuuqay ee ka dhacay 14-kii October isgoyska Zoobe.


