Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona ciidamo badan la dhigay wadooyinka gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ilaa madaxtooyada Soomaaliya.
Arrin ayaa ka dambeysay kadib markii saacadaha soo socda la sugayo inuu magaalada Muqdisho soo gaaro R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kadib casuumaad uu u sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Muqdisho ayaa gashay xaalad adag, iyadoona gaadiidka iyo dadka loo diidayo isticmaalka wadooyinka qaar ah, xili shacabka Muqdisho ay u diyaar garoobayaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo waqti kooban ay ka harsan tahay.
R/Wasaaraha Itoobiya ayaa marka uu yimaado magaalada Muqdisho waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya.
Diyaar garowga iyo qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga R/wasaaraha Itoobiya ayaa xiligan waxaa ay ka socotaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Calamada Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sawirada labada Hoggaamiye ee Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed ayaa la suray wadooyinka iyo garoonka Aadan Cadde.
Dhinacyada ayaa Heshiis ku kala saxiixan doono magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan ay madaxweynaha Soomaaliya uu labo jeer uu tagay magaalada Adis Ababa, tan iyo markii dowladda Turkiga ay xalisay xiisada u dhexeysay labada dal.



