Wadooyinka Muqdisho oo Saaka Furan

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa Saaka furan, xilli ay Shalay Maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in la xiraayo Wadooyinka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir Ismaaciil Cabdi Macalin (Guure) ayaa shalay sheegay in Talaado ah iyo Arbacada in wadooyinka Muqdisho loo xiraayo Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay dulqaataan.

Laakiinse , Saaka waxaa si Caadi ah u shaqeynaaya isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tira badan kuwii lagu yaqaanay in ay ilaaliyaan Ammaanka Wadooyinka Muqdisho ayaa lagu arkeynin Wadooyinka.

Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu caleemo saarayo  Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota Afrika.