Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa caawa la xiray dhammaan wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho, maadaama berri ay dhaceyso xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Farmaajo.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa caawa xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo ammaanka aad u adkeynaya, si aysan u dhicin Arbushaad xilliga xaflada caleemo saarka.
Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona Wufuud caalami ah, kuwaas oo isugu jira qaar ka tirsan Madaxda Afrika, xubnaaha Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta kormeer ku tagay goobta lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.


