Warshiiq-RisaalaFM- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay safar dhulka ku tagay degmada Warshiiq oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo sidoo kale soo maray degmada Balcad.
Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa booqashadoodu la xiriirtay u kuurgalida xaalada nololeed ee dadka ku nool degmooyinka ay booqdeen.
Wafdiga uu horkacayo Madaxeynaha ayaa waxa ay xalay ku hoydeen magaalada xeebta ah ee Warshiiq iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay islamarkaana ka dhagaystay maamulka degmada Warshiiq iyo kan gobolka Shabeellaha Dhexe warbixino ku saabsan xaalada nololeed ee shacabka ku nool degmada Warshiiq.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii degmooyinka kheyraadka dabiiciga ah leh loo horumarin lahaa isagoo si gaar ah u soo qaatay in degmada Balcad ay tacabka beeraha ku habboon tahay halka degmada Warshiiqna uu sheegay in uu xoogga saari doono sidii loo caawin lahaa kalluumeysatada ku nool halkaas.






