Mas’uuliyiinta Garoonka Aadan Cadde ayaa faahfaahin ka bixiyay Xaaladda Ammaan ee garoonka oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegayay in ay ka jirto khatar Amni.
Qaar ka mid warbaahinta ayaa tabinaayay maalmihii lasoo dhaafay in shaqadii garoonka isbadel lagu sameeyay Qaraxyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan garoonka Aadan Cadde.
Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay in uu ballaaran yahay garoonka,islamarkaana si gaar ah loo xiray qeybta Xalane ee garoonka sababtuna ay tahay in Amniga garoonka dib u habeyn lagu sameeyo.
Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin been Abuur , islamarkaana shaqadda garoonka ay ku socoto si caadi.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin isbadel ku yimid Shaqadda garoonka , laakiin Amniga dib u habeyn lagu sameynaayo.



