Waa sidee Saaka Xaaladda degaanka Goof-gaduud ?

Waxaa saakay degan xaalada Degaanka Goof-gaduud Shabeelow oo 30-KM ujira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka, kadib markii shalay ay halkaasi ku dagaalameen Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahanada Shabaab.

Dagaalkan oo labada dhinacba ay ka sheegteen guulo kala duwan oo ku aadan Cidda gacanta ku heysa degaanka Goof-Gaduud.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Degaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa soo sheegaya Ciidanka Dowladda in ay ku sugan yihiin Degaanka, sidoo kalena laga saaray Dagaalyahanada Shabaab.

 Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya saakay in ay degan tahay xaalada Degaanka Goof-gaduud, Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan Howlagllo ka dhan ah Shabaab.