Kooxda hoggaaminaysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa caawa garoonkeeda ku soo dhaweynaysa naadiga ka dhisan Premier League ee Chelsea, kulanka lugta labaad ee Wareegga 16-ka Champions League.
Lionel Messi ayaa ku riyoonaya inuu markiisii shanaad ku guuleysto koobka horyaalladda Yurub ee Champions League, Barcelona ayaana caawa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhaweynaysa Chelsea lugta labaad ee 16-ka Champions League.
Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaa gool u dhaliyay Barcelona lugtii hore si uu u xaqiijiyo in kooxdiisa ay ugu cad-cadahay inay ku soo baxaan caawa lugta labaad, kaddib markii ay Galbeedka London ku soo galeen barbaro 1-1.
Messi ayaa gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyey oo uu u ciyaaray kooxdiisa Catalan, isagoo shabaqa gaarsiiyey isku dar shan gool, laakiin rikoor fiican kama haysto marka uu wajahayo kooxda Chelsea.
Goolkii uu ku soo dhaliyey lugtii hore ku soo dhaliyey garoonka Stamford Bridge ayaa ahaa goolkiisii ugu horreeyey abid uu ka dhaliyo kooxda Chelsea.
Leo Messi 9 kulan oo uu la ciyaaray kooxda Chelsea, waxa uu guul ka gaartay 1 mar, waxaana laga badiyey 2 kulan, iyadoo 6 kale ay barbaro ku dhammaadeen, sagaalkaas kulanna hal goo loo qura ayuu ka dhaliyey Blues isagoo ku dhiibay 2 kale.
RIKOORKA LIONEL MESSI EE CHELSEA:-
Kulamada: 9-kulan
Guulaha: 1-kulan
Barbaraha: 6-kulan
Guuldarada: 2-kulan
Goolasha: 1-gool
Caawinta: 2-gool