Waa Kuma Daafaca Bidix Ee Ugu Wanaagsan Dunida Kubadda Cagtu

Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa shaaca ka qaaday ciyaartoyga uu u aaminsan yahay inuu yahay midka ugu wanaagsan dunida ee booskaas uu ka ciyaaro.

Wargeyska ESPN oo bixinayay abaalmarino ayaa Roberton iyo daafaca bidix ee kooxdiisa ee Trent Alexander Arnold u aqoonsatay xiddigaha ugu wanaagsan booskooda ee dunida.

Labadan daafaca ayaa muhiimad weyn u leh hanaanka ciyaareed ee ay Liverpool ugu hoos ciyaarto tababare Jurgen Klopp iyagoo weerar badan gacan ka gaysta si lamid ah sida ay masuuliyada daafacasho u saaran tahay.

Robertson ayaa xilli ciyaareedkii hore qaab wanaagsan ula soo qaatay kooxdiisa, Waxa ay horyaalka oo ay 97 dhibcood heleen ay hal dhibic ugu waayeen Manchester City halka ay Champions League kaga soo guuleysteen Tottenham.

Si kastaba, Robertson ayaa isla markii uu abaalmarinta daafaca bidix ee ugu fiican dunida ka helay ESPN si dhakhso ah u tilmaamay inuu isagu booskaas u aqoonsan yahay dhigiisa Barcelona ee Jordi Alba.