Virgil van Dijk Oo Ugu Dambeyntii Tababarka Southampton Kusoo Laabtay

Daafaca awooda badan Virgil van Dijk  ayaa ugu dambeyntii tababarka kooxdiisa Southampton kusoo laabtay taasi oo meesha ka saari doonto inuu bixi doono.

26-jirkan ayaa gadood waday labadii bilood ee ugu dambeesay asigoo xitaa kooxdiisa Saints u geeyay warqad uu ku dalbanaayo in la fasaxo.

Laakiin maamulka Southampton ayaa ku adkeesteen in daafacan uusan beec ahayn sidoo kalena rabitaankiisii gaarka ahaa in Liverpool laga iibiyo laga hor istaagay.

Virgil van Dijk wuxuu tababar la sameeyay kooxda 23-jirada ee Southampton waxaana la rajeynaa maal maha nagu soo fool leh kooxda weyn ee Southampton inuu kasoo dhex muuqdo.