Villa Soomaaliya oo beenisay warkii wasiirka Batroolka & macdanta Soomaaliya

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka ayaa caddeysay  in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka iyo go’aankii Golaha Wasiirada ee lagu caddeeyay in heshiis kasta uu soo maro Golaha Wasiirada, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday  wuxuu mar kale faray dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.