Van Rakitic Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Goolka Ugu Quruxda Badan

Ivan Rakitic ayaa ku guulaystay abaal marinta goolka ugu qurxoon ee heerka guruubyada Champions League.

Xidiga qadka dhexe ee xulka Croatia iyo Barcelona ayaa goolka ka dhaliyay kooxda ka ciyaara Premier League ee Tottenham Hotspur.

Goolkan oo aad u qurux badnaa ayuu Rakitic katoogtay meel kabaxsan xerada ganaaxa ayuu isda gantaalki u dhex dhigay shabaqa uu waardiye ka ahaa Hugo Loris.

Rakitic ayaa abaal marintan ku garaacay xidigo uu kamid yahay Ousmane Dembele, kaas oo sidoo kale gool qurux badan kadhaliyay Tottenham.