Virgil van Dijk oo shaki weyn la galinaayo inuu cayaaro kulanka Liverpool habeen dambe wajaheyso Leicester kana tirsan EPL.
27-jirkan wuxuu kusoo xanuunsaday safarkii Liverpool Dubai ku aaday ilaa haatana dhaqaatiirta kooxda uma fasixin inuu naadiga tababar la qaato.
Virgil van Dijk ayaa cayaaray 23-kulan Liverpool xili cayaareedkan EPL cayaartay ayadoo 4-dhibcood hogaanka kaga heyso Man City.
Van Dijk haddii galabta uu tababarka Reds oo xaadiri waayo kulanka berito ma cayaari doono (Liverpool Echo).



