Ururka NUSOJ oo qaadacay dhismaha Guddiga Saxaafada qaranka

Ururka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan NUSOJ ayaa qaadacay guddiga saxaafada qaranka oo ay dhawaan meelmariyeen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya.

1- Ururka NUSOJ oo u taagan difaaca xuquuqda saxaafada qaranka Soomaaliyeed waxuu ka digayaa talaabo kasta iyo qorshe walba oo dowlahi ah ama madax banaan oo ka hor imaanaya midnimada,xuquuqda,iyo madax banaanida guud ee saxaafada Soomaaliyeed.

2-Ururka NUSOJ waxa uu gabi ahaan qaadacayaa ama diidayaa qaab dhismeedka iyo meel marinta guddigan loogu yeeray magac saxaafaded,waxuuna tilmaamayaa shir qool ka dhan ah doorka saxaafada madaxa banaan ee arrimaha qaranka.

3-Ururka NUSOJ waxa uu codsanayaa in la ixtiraamo codka saxaafada Soomaaliyeed lagana fiirsado sharciyaynta gudi duminayo howlaha iyo xuquuqda saxaafada madaxa banaan.

Guddiga saxaafadeed waa mid ku xusan sharciga warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Law) oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya laakin weli Ururka NUSOJ waxa uu doonaya in talo gelin iyo wax ka bedel in lagu sameeyo,haddaba NUSOJ oo xambaarsan fikirka mideysan ee saxaafada Soomaaliyeed waxa ay cadeynayan in la hareer maray codkii saxaafada ay ku lahayd dhismaha guddigaas iyo la socodkiisa.

Dhamaad.