UNICEF” Dhacdadii Gololey waxay horseedi kartaa dambi dagaal”

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan tahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaala caafimaad ah iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taalla tuulada Gololey ee Gobolka Sh/Dhexe.

UNICEF ayaa dhacdadaasi sheegtay in aan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi,isla markaana ay tahay mid xadgudub ah oo dhan ka ah sharciga caalamiga ee arimaha biniaadanimada iyo habdhaqanka caadiga ah.

“Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda toddobo shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Soomaaliya, Bartilmaameedsiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharciga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun waxay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lala xisaabtamo” ayaa lagu sheegay War kasoo baxay UNICEF

Warka UNICEF ayaa intaasi kusii daray “Shaqaalahan caafimaadku waxay ahaayeen geesiyaal waxa ay bixin jireen daryeel nafo lagu badbaadiyo carruurta iyo qoysaska”