UNICEF oo ka deysiray xaalada nololeed ee caruurta Soomaaliyeed

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa magaalada Geneva ka soo saartay warbxin ay kaga hadlayso xaaladda nolaleed ee iminka ay ku sugan yihiin caruurta Soomaaliya.

Waxayna Hay’ddu wrbxinteeda ku sheegtay in caruur tiradoodu gaarayso 1.4 Milyan ay iminka la ildarn yihiin, Gaajo iyo Abaar saamaysay sanadkan qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya,waxayna intaa raacisay in ay dhici karto dhibaatadaasi inay sii kororto 50% isla sanadkan gudihiisa.

Afhayeenka UNICEF oo saxaafadda la hadlayay ayaa intaa raaciyay in dhibaatada cunta yarida haysata caruurta Soomaaliyeed ay u wehliso cudurka dilaaga ee Cholera oo la sheegy inuu ku faafay degaano badan oo dalka Soomaaliya, ayna iminka la ildaran yihiin sida Afhayeenku sheegay 275 kun oo caruur ah.

Afhayeenku wuxuu kaloo intaa raaciyay in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF, ay sanadkii tagay xalisay dhibaatada cunta yarida haysata caruurta Soomaaliya 88% Sanadkii tagay, balse bilawgii sanadkan ay sii korartay dhibatadaasi.