UNICEF “27 Milyan oo Qof ayaa halis ugu jira dhimasho”

Hay’adda UNICEF ayaa warbixin dheer waxa ay ka soo saartay Abaaraha Macluusha ah ee ka jira Afar wadan oo ka mid ah dalalka ku yaalla Afrika, kuwaasi oo kala ah  Nigeria, Somalia, South Sudan iyo Yemen.

Waxa ay sheegtay 27 Milyan oo Qof in ay u baahan yihiin biyo nadiif ah iyo sidoo kale in ay helaan gar gaar caafimaad oo deg deg ah, haadii taasi ay dhici weydana in dadkaasi ay halis ugu jiraan Geeri.

UNICEF ayaa si gaar ah waxa ay u sheegtay 27-ka Milyan ee u baahan gar gaarka in ay u badan yihiin caruur iyo Haween, kuwaasi oo ah dadka ugu jilicsan.

“27 Milyan oo Qof ayaa halis ku jira, waxaana heysta Biyo yari, fayadhowrka oo aan ku filnayn, nadaafad xumo iyo cudurro dillaacay, waxaana halista ugu badan ay soo wajahday caruurta, tani waxa ay keeni kartaa xanuunada shuban biyoodka iyo dhimasho.” Ayaa lagu yiri warka Qoraalka ee ka soo baxay UNICEF.

Agaasimaha Hay’adda UNICEF Manuel Fontaine ayaa sheegay intii awoodooda ah in ay ka qeyb qaadanayaan gurmadka Abaaraha, wuxuuna tilmaamay Abaartan in ay tahay musiibo Qaran, loona baahan yahay in la sameeyo gurmad midow ah.