Dowladda Soomaaliya ayaa lacag dhan 5 milyan oo Pound ka heshay dowladda UK, iyadoo loosoo marsiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), si ay ugu taageerto ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Maalgelintan ayaa qeyb ka ah deeqaha joogtada ah ee UK ay ku bixiso amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marinayo Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaasoo taageero siiya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
Lacagtan ayaa lagu sheegay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.
Labada la taliye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Alshabaab, horumarinta laamaha amniga, qaadista cunaqabateynta, iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo UK.
Lataliyaha Amniga Qaranka UK Dame Sarah MacIntosh ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda taageeradan maaliyadeed ay u leedahay raadinta nabadda Soomaaliya.
Lataliyaha Amniga Qaranka UK ku celisay sida ay uga go’an tahay Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska inay taageero ballaaran u fidiso dowladda Soomaaliya si loo xasiliyo goobihii dhawaan la xoreeyay.
Uk ayaa ka mid ah Dawladaha Caalamka ee ka Taageera Soomaaliya dhinacdayada Amniga Xasiloonida kana qayb qaadaneysa dib u habeynra Ciidaanka Qaranka.