Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay suurta gal tahay in ay ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya hadii aysan Qaramada Midoobey aysan bixin Magdhow Diyaarado ay leedahay dowladda Uganda oo ku burburay hawada dalka Kenya xilli ay kusoo jeedeen in ay ka qeyb qaataan howlgal Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyaha guud ee  ciidanka Difaaca dowladda Uganda Jeneral Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah howgalka AMISOM ay suurtagaltahay in ay iska baxaan Soomaaliya marka la eego khilaafka u dhaxeeya Qaramada Midoobey sidoo kale dowladda Uganda.

Jeneral Katumba Wamala ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay caddeysay in aysan bixin doonaan magdhow diyaarado ay leedahay dowladda Uganda oo burburay sanadkii 2012 , iyo sidoo kale xuquuq badan oo ay leeyihiin ciidanka dowladda Uganda ee jooga Soomaaliya.

Diyaaradaha ayuu sheegay in ay burbureen xili ay kusoo jeedeen Soomaaliya , waxaana diyaaradahaasi ay u shaqeynaayeen howgallka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay muuqato dulduleen dhanka shaqada ciidanka AMISOM ah iyo sidoo kale jiha la’aan howgalka AMISOM , sidaas darteedna aysan Uganda u sii hanqal taageen in ay kasii mid ahaado howlgalka AMISOM.

Dowladda Uganda ayaa dhowr jeer ku hanjabtay in ay ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya.