Ugaas Xassan ugaas khaalif oo ay wehliyaan qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maanta waxa ay booqdeen 3 ruux oo ku dhawacmay rasaas ciidamada dowladda ay ku fureen dad ka qeyb galayay banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.
Ugaas Xassan ugaas khaalif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad shacab ah oo iska shaqeysanaya rasaas lagu furo isagoo sheegay in dadka qaarkood ay qabaan dhaawacyo kala duwan islamarkaana dadka dhaawacmay ay gaarayaan 3 ruux oo shacab ah.



