Cadaado-RisaalaFM- Ugaas Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaal la socday Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa beeniyay wararka sheegaya in la rasaaseeyay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud.
Waxa uu sheegay Ugaaska in uu caafimaad qabo Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud, sidoo kalena uu si nabad gelyo ah ay ku yimaadeen Magaalada Cadaado.
Ugaas Cali Xaashi ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in la rasaaseeyay Gaari ay wateen Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud iyo Waxgarad la socday, isagoo sidoo kale sheegay in arrimahaasi ay yihiin kuwo aan loo meel dayin.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu maanta soo gaaray Magaalada Cadaado, isagoo halkaasi ka wada arrimo la xiriira Doorashooyinka.
Warbaahinta gudaha ayaa maanta baahiyay in la rasaaseeyay Gaari ay wateen Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud iyo waxgarad la socday.


