Turkiga & Somalia oo ka wada hadlay Arrimaha Waxbarashada

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashafa ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay safiirka Turkiga u fadhiya Somalia Danjire Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xoojinta labada dal,iyada oo dowladda Turkiga ay balan qaad u sameysay Soomaaliya.

”Danjiraha waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal.Kor u qaadista fursadaha waxbarasho ee dowlada turkiga ay siiso ardeyda Soomaaliyeed & wada shaqeynta gudiyada Tacliinta Sare ee labada dal ayuu yiri”Mudane Jaabiri.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahau dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca waxbarashada,iyada oo deeq waxbarasho siisay Arday farabadan.