Xiisadda ka dhex aloosan Ukraine iyo Turkiga ayaa saameyn toos ah ku yeelan karta Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh labada waddan. Dalalka Galbeedka ayaa intooda badan shaaciyay cunaqateyn ka dhan ah Moscow, kadib markii uu Ruushka aqoonsaday madax bannaanida laba gobol oo ka tirsan Ukraine.
Turkiga oo xiriir ganacsi iyo difaac ba la leh Ruushka ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, oo wadahadal lagu dhameeyo tabashada labada dhinac.
Hase yeeshee xukuumadda Ankara ayaa tibaaxday in haddii xaaladdu ay isu rogto dagaal toos ah oo u dhexeeya Ruushka iyo NATO – oo uu Turkiga ka tirsan yahay – in ay difaaci doonto danaha gaashaan buurtaas ay kamidka tahay.
Turkiga ayaa marar badan sheegay in xiisadda Ukraine xalkeedu yahay wadaxaajood dhab ah, ayna diyaar u tahay dhex-dhexaadinta labada dhinac. Hase yeeshee, dedaalka Turkiga waxaa caqabad ku noqday tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday Ruushka.



