Turkiga oo Diyaarad gar gaar sida u soo diraya Soomaaliya

Turkey-RisaalaFM- Hay’adda Turkish Airlines ayaa diyaaradeeda labaad ee diyaaradaha cunnada siinaysa Soomaaliya u soo direysa magaalada Muqdisho, iyada oo ujeedada cuntadaasi ay tahay in ay siiso Ciidamada Soomaaliya.

Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines oo gar gaarkan wada ayaa la kaashaneysa warbaahinada bulshada ee dalkaasi, kuwaasi oo shacabka ku dhiirageliya in ay kaalmeeyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay Hay’adda Turkish Airlines gar gaarka ay u soo direyso Soomaaliya ujeedadiisa in ay tahay sidii loo siin lahaa Ciidamada Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadka kale ee wali la il daran Abaarihii dalka ku dhuftay.

Turkish Airlines waxay sheegtay Deeq raashiin ah oo 60-tan ah Soomaaliya in ay keeneen 15-kii August ee sanadkan, taasi oo inta badan ay tahay cunto loogu tala galay caruurta nafaqo darida ay heysato.

Guddoomiyaha Hay’adda Turkish Airlines M. İlker Ayc iyo Guddiga Fulinta ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaanu ku biirno dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee jaceylka u qaba Ciidamada, waxaanay gacan ka geysaney duulimaad xamuul ah iyo sidoo kale cunto iyo alaab la siiyo dadka Soomaaliyeed, Hadda waxaanu 60-tan oo cunto ah siinay carruurta Soomaaliyeed. Waxaan ku faaneynaa mashaariicda masuuliyadeed ee shirkadda ee kordhisa gacan qabashada dadka Afrikaanka ah.”