Trump oo mar kale Marinka Hormuz ku tilmaamay inuu yahay “dhul Mareykan ah”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa baraha bulshada soo dhigay sawir khariidad ah oo muujinaya Marinka Hormuz, kaas oo dusha looga qoray erayada “Dhulka Cusub ee Ameerika.”

Sawirka uu Trump soo dhigay, ayaa weedha “Dhulka Cusub ee Ameerika” waxay ku qoran tahay qaybta sare ee khariidadda, halka Marinka Hormuz lagu calaamadeeyay goobo wareegsan.

Qoraalkan ayaa yimid kadib hadallo uu Trump dhawaan ka jeediyay Marinka Hormuz. Horay ayuu u yiri: “Waxaan hadda ku dhawaaqayaa in Marinka Hormuz uu yahay dhul Mareykan ah.”

Hadallada iyo qoraalka cusub ee Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli Marinka Hormuz uu weli yahay mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, iyadoo dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka iyo maraakiibta ganacsiga ee marinkaasi uu si weyn u xaddidan yahay.

Marinka Hormuz waa marin-biyood caalami ah oo ay labada dhinac ka wadaagaan Iran iyo Cumaan, waxaana halkaas mara qayb weyn oo ka mid ah dhoofinta shidaalka iyo gaaska ee gobolka.