Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in magaalada Qudus uu u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.
Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu horumarinayo hanaanka nabadda ee Bariga Dhexe.
Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu taageerayo xal labo dowladood ah, hadii ay ogolaadaan Israel iyo Falastiiniyiinta.
Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay bilaabi doonto diyaar garowga hanaanka Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loogu rarayo magaalada Qudus.
Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa goor sii horeysay ka digay in tallaabadan ay ka dhalan karto cawaaqib xumo.
Sidoo kale Madaxda dalalka Carabta qaarkood ayaa iyana uga digay in arrintan ay keeni cawaaqib xumo.
Madaxweynaha Turkiga ayaa horay ugu baaqay Madaxda Dalalka Islaamka inay isugu yimaadaan shir deg deg ah, oo looga arrinsanado qorshaha Trump, waxaana uu ku hanjabay inuu xiriirka u jarayo Israel, haddii Mareykanka u aqoonsado magaalada barakeysan ee Qudus inay tahay Caasimadda Israel.
Donald Trump ayaa horay olole ugu galay in magaalada Qudus u aqoonsanayo Caasimadda Israel, isla markaana Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv uu ka soo rarayo.