Trump oo hanjabaad u diray Iiraan.

Wareysi uu siiyay shabakadda wararka ee “Salem News”, oo wax laga weydiiyay suurtagalnimada in mar kale awood milatari loo adeegsado Iran iyo in uu ka labalabayn doono tallaabadaas, ayuu Donald Trump sheegay in haddii uu arko isbeddel ku yimaada jihada ay wax u socdaan, uu tallaabo qaadi doono isaga oo aan wax shaki ama labalabayn ah muujinayn.

 

” Haddii aan arko in xaaladdu u socoto jihada ka soo horjeedda, waan qaadi doonaa tallaabadaas. Waxaa laga yaabaa inaan hadda qaado. Wax shaki ama labalabayn ah ma jiri doonto,” ayuu Khamiistii u sheegay shabakadda wararka.

 

Markii la weydiiyay in haddii dowladda Iran ay xukunka sii hayso ilaa inta uu ka tegayo Aqalka Cad ay taasi ka dhigan tahay in laga adkaaday, ayuu Trump ku jawaabay: “Haa, waxay noqon lahayd guuldarro. Shaki kuma jiro.”

 

Isaga oo ka jawaabaya su’aal uu weriyaha shabakadda Salem News, Hugh Hewitt, ka weydiiyay tallaabada ay Washington qaadi doonto haddii Iran ay disho sarkaal sare oo Mareykan ah, ayuu yiri:

 

“Markaas waxba kama harayaan.”

 

Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtay in haddii dalkeeda mar kale la soo weeraro, aysan dagaalka ku koobi doonin gobolka oo keliya, balse ay saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla Aasiya iyo Yurub u aqoonsan doonto bartilmaameedyo sharci ah.

 

Habeenkii Khamiista, saqdii dhexe xilliga Iran, ayaa la soo sheegay in duqeymo cirka ah lala beegsaday deegaanno ka tirsan gobolka Sirik ee koonfurta dalka Iran.