Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.
Wuxuu sidoo kale saxiixay in la qaado tallaabo dhaqaalaha looga yareynayo magaalooyiinka Mareykanka ee ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ee aan warqadaha sharciga ah haysan.
Balse, aqalka wakiillada ayaa laga doonayaa inuu meelmariyo hanaanka iyo dhaqaalaha oo lagu qiyaasayo inay balaayiin dollar gaareyso.
Wuxuu ka hadlay musiibo ka taagan xuduudda dhanka Koofureed ee Mareykanka uu Mexico kala wadaago. Hadalkaas wuxuu jeediyay xilligii uu saxiixayay amarka.
Wuxuu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah ciidamada amniga gudaha ee Mareykanka ka shaqeeya.
Amarka waxaa qeyb ka ah in la shaqaaleysiiyso 10 kun oo ciidamo oo suga amniga xuduudda.


