Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa shaaciyay in lala wadaagay xog ku saabsan cod laga duubay dilkii Jamal Khashoqji oo ahaa saxafi Sacuudiga u dhashay, balse wuxuu sheegay in isagu uusan si shaqsi ah u dhagaysan doonin.
Waxaa uu sheegay Trump in falkaasi uu ahaa mid ka baxsan Xuquuqda Aadanaha ayna haboon tahay in aan dib loo daawan wixii dhacay .
Madaxwenaha ayaa u sheegay warbaahinta Fox News in Muuqaalkaasi ay rajeynaayo in uu noqdo Mid saameyn Caalamka ku yeesha ayna soo jeedinayaan in la ciqaabo kuwii falkaasi ka dambeeyay.
“Waa duubid laga sameeyay sakaraad, waana arrin fool xun, ma daawan doono” ayuu yiri Trump.
Hay’dda Sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CIA ayaa la sheegay in baaritaankii ay dilkan ku haysay ay ku soo gabogabaysay in awaamiirta khaarajinta uu bixiyay Amiirka dhaxalka Sacuudiga leh ee awoodda badan, balse Aqalka Cad ayaan wali arrintaas ayidin.
Dawladda Sacuudiga ayaa sheegashadaas ku tilmaantay been waxayna diiday in Amiin Maxamed uu wax ka ogaa dilka


