Kooxda Tottenham ayaa soo gaba gabeysay 13 kulan oo guul xariir ah oo ay Chelsea ka gaareysay horyaalka Ingiriiska kadib markii ay ku garaaceen White Hart Line.
Waxaa ay goolasha guusha kaga mahadcelineysaa da’yarka qaranka Ingiriiska ee Del Alli, kaas oo labo gool oo uu madaxa ku dhaliyay ku ciqaabay wiilasha macaln Conte.
Shaxdii Labada Koox
Shaxda Tottenham: Lloris (c), Dier, Alderweireld, Vertonghen, Walker, Dembele (Harry Winks 74), Wanyama, Eriksen, Rose, Alli (Moussa Sissoko 86), Kane (Heung-Min Son 90)
Keydka Tottenham: Vorm, Wimmer, Trippier, Davies, Winks, Sissoko, Son
Shaxda Chelsea: Courtois; Azpilicueta, David Luiz, Cahill (c); Moses (Michy Batshuayi 85), Kante (Cesc Fabregas 79), Matic, Alonso (Willian 65); Pedro, Diego Costa, Hazard
Keydka Chelsea: Begovic, Ivanovic, Zouma, Chalobah, Fabregas, Willian, Batshuayi
Chelsea ayaa daqiidii SHANAAD ee ciyaarta abuurtay fursadii ugu horeysay Matic ayaa baas qurux badan udhiibay Hazard hase ahaatee xidiga reer Belgium ayaa kubadaas banaanka mariyay.
Ma jirin firsado waa weyn oo ay labada koox isku heleen qeybihii hore ee ciyaarta, inkastoo Kane & D. Luiz ay kooxahooda fursado ka kala qasaariyeen, sidoo kale qadka dhexe ee Eriksen ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka udhiibo kooxdiisa hase ahaatee kubada ayuu banaanka mariyay, goolhaye Courtois ayaa sidoo kale bad baadin wanaagsan ka sameeyay kubad uu madaxa ku dhalin lahaa daafaca Dier.
GOAL! TOTTENHAM 1-0 CHELSEA (Alli, 45+1)
Madaxa ayuu ku dhalliyay Alli goolkii koobaad ee ciyaarta kadib markii uu karoos qurux badan ka helayEriksen, daafacyada Chelsea ayaana qalad ku lahaa in da’yarkaan rer England uu meel banaan kubada ka helo!



Sidoo kale ciyaryahanada Chelsea ayaa ku dooday in rigoore laga galay Moses kaas oo uu xerada ganaaxa ku jalaafeeyay Dembele, laakiin garsoore Martin Atkinson ayaa diiday
GOAL! TOTTENHAM 2-0 CHELSEA (Alli, 54)
Kooxda Tottenham ayaa dhinac uriday natiijada ciyaarta kadib markii uu Dell Ali ka dhigay 2-0,! Eriksen ayaa mar kale kubad qurux badan udhiibay Dele Alli kaas oo madaxiisa ku ciqaabay daafacyada Chelsea, waana goolkiisii labaad ee ciyaartan uu waliba madaxa ku dhaliyo
labada koox ayaa helay fursado ay goolal ku dhalin kareen, hase ahaatee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0.
Geesiga Tottenham waxaa noqday Dell Alli kaas oo soo gaba gabeeyay guulihii xariirka ahaa ee Chelsea, isla markaana Conte ka hor istaagay inuu jabiyo rikoorkii ahaa in 14 kulan oo xariir ah ay badiyaan.
Chelsea ayaa wali hogaanka horyaalka ku haysa shan dhibcood oo nadiif ah hadii ay caawa natiijo guul ah ka keeni laheydne waxaa ayba ku qaban laheyd 8 dhibcood, laakiin Dell Alli ayaa ka hor istaagay.
Tottenham 2-Chelsea 0