Toogashada Mareykanka oo faraha kasii baxeysa

Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay 44 kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii toogasho wadareedyo toddobaadkan ay ka dhaceen guud ahaan Mareykanka, sida lagu sheegay xog ay sii daayeen gudiga kormeerka xaquuqda aadanaha ee Mareykanka.

Diiwaanka Rabshadaha ayaa waxaa lagu sheegay in toogashadaan ay ka qayb ahaayeen dadka macangaga ah ee Qoryaha kuwata dalkaasi, waxaana  taasi wehliyay  in 10 toogasho wadareed ay  ka dhaceen  sagaal gobol, oo ay ku jiraan New Jersey, Virginia, California, iyo Alaska.

Ugu yaraan hal cunug iyo tiro dhalinyaro ahaa ayaa ka mid noqday dhaawacyada, sida ku xusan diwaanka warbixinta, taas oo inta badan ku saleysan natiijooyinka warbixinnada.

Sannadkan waxaa Mareykanka ka dhacay toogasho wadareedyo gaaraysa 294, sida ku cad diwaanka dhacdooyinka Dalka Mareykanka, iyada oo intaas sii raacisay in 20,694 qof lagu dilay rabshadaha qoryaha fudud. In ka badan 11,352 oo ruux  ayaa iyagu si iskood isku dilay.