Tiro dad ah oo lagu xiray degmada Mandheera iyo Howgal ka socda

Ciidanka dowladda Kenya ayaa howlgal ka wadda deegaano hoos yimaada degmada Mandheera ee dalka Kenya , Waxaana ay xabsiga dhigeen tiro dad ah oo looga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab ee weerarada ku qaada degmada Mandheera.

Taliyaha qeybta Booliska degmada Mandheera ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobaayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo inta badan weeraro ka geysta degmada Mandheera iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada.

waxa uuna sheegay in ay jiraan dad badan oo lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir la leeyihiin oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka dowladda Kenya.

Maamulka degmada Mandheera ayaa sidoo kale sheegay in ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 33 qof , kuwaa soo ku amardiiday ciidanka ammaanka , islamarkaana ka soo horjeestay Bandowga lagu rogay Magaalada Mandheera .

Ciidanka dowladda Kenya ayaa sidoo kale howlgal ka wadda deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari oo ay ka mid yihiin Fiino iyo Lafeey.

Taliyaha ciidanka Mandheera  ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgalada ay ka wadaan degmada Mandheera iyo sidoo kale deegaanada Hoos yimaada .

Saraakiisha dhanka amniga dalka Kenya ayaa sheegay in ay jiraan weeraro kusoo wajahan dalka kenya, sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay laba jibaarto xaqiijinta amniga.