Tiro dad ah oo lagu laayay dalka Mali

Malian soldiers patrol the roads during the visit of the Malian Prime Minister in Menaka, Mali on May 9, 2018. / AFP PHOTO / Sebastien RIEUSSEC

Mas’uuliyiinta dalka Mali waxay sheegeen in dabley hubeysan ay dileen in ka badan 30 qof oo ka tirsan qowmiyadda Fulani gudaha bartamaha gobolka Mopti.

Bayaan kasoo baxay dowladda Mali ayaa lagu sheegay in dableyda ay ku labisnaayeen dhar lagu garanayo ugaarsato ka howlgasha halkaasi.

Dableyda ayaa subaxnimadii Talaadadii weer ku qaaday tuulada.

Dadka la dilay waxaa kamid ah carruur, dagaalka ayaa waxaa dhaliyay loolan loogu jiro dhul dhaaqsimeed iyo weerarada ay gaystaan kooxaha jihaaddoonka ee Mali.

Faransiiska ayaa taageera u fidiyay ciidamada Mali si ay uga hortaggaan kooxaha jihaad-doonka, tan iyo sannadkii 2012-kii ciidamada waxay la wareegeen dhul badan oo ka tirsan waqooyiga dalkaasi.