Maamulka Isbitaalka Ex Digfeer ee hadda lagu Magacaabo Ordugan ayaa faahfaahin ka bixiyay tiradda dhaawacyadda lasoo gaarsiiyay Isbitaalka, kuwaasoo kusoo dhaawacmay Qaraxyaddii iyo Weeraraddii ka dhacay Muqdisho.
Maamulaha Isbitaalka Dr Ismaaciil Yamas ayaa warbaahinta u sheegay in Isbitaalka la keenay dhaawacyada 55 qof, kuwaasoo 3 ka mid ah ay geeriyoodeen, 15 ka mid ahna lagu sameeyay Qalliin, waxaa uu sheegay in dhaawacyadda qaarkood ay ku sugan yihiin Xaalad adag.
Maamulaha ayaa tilmaamay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo daaweyn lahaa dadka dhibaateysan, waxaana xusay in xilli kaste ay soo gaarayaan dhaawacyo hor leh.
Isbitaalka kale ee Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo ka badan inta la gaarsiiyay Isbitaalka Digfeer, waxaana sii kordheysa Saacadba Saacadda ka dambeysa Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.



