Inta la xaqiijiyay 29 qof ayaa ku dhintay weeraro iyo qaraxyo is xigxigay oo xalay fiidkii ka dhacay Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa isugu jira rayid, askar ka tirsan dawladda iyo kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab.
Madaxa caafimaadka ee sbitaal Madiino Dr Cabdiqaadir Xuseen Maxamad ayaa Warbaahinta u sheegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 11 dhaawac ah iyo 29 dhimasho ah kuwaas oo waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadii iyo iska hor’imaadyadii xalay ka dhacay Muqdisho.
Ehelada dadkii wax ku noqday qaraxyada ayaa dhooban isbitaalka Madiino, qaar ayaa aqoonsaday maydadka xubnihii qoysaskooda ka dhintay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarrada xalay Muqdisho ka dhacay, waxayna sheegeen inuu bartilmaameedku ahaa xarunta madaxtooyada iyo xarunta sirdoonka qaranka.
Muqdisho ayaa xasilooneyd afartii bilood ee la soo dhaafay kadib qaraxyadii boqolaalka qof ay ku dhinteen ee dhacay bishii October ee sanadkii hore.


