Thierry Henry Oo Sharaxay Sababta Uu Paul Scholes Uga Fiicnaa Steven Gerrard

Dood ku saabsan xiddiga fiican Paul Scholes iyo Steven Gerrard, Thierry Henry wuu garanayaa xiddigii uu dooran lahaa.

Halyeeyga Arsenal ayaa doortay xiddigii hore ee Manchester United Paul Scholes.

Henry oo 228 gool u dhaliyay Arsenal ayaa la weydiiyay haddii ay jiraan ciyaaryahano haatan dheelaya ama kuwa hore oo uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro.

Wax yar ayuu ka hakaday inuu ka jawaabo su’aashaan ka hor inta uusan magacaabin Paul Scholes oo 11 jeer koobka Premier League la qaaday Manchester United.

“Paul Scholes,” ayuu yiri Thierry Henry.

“Xiddiga labaad ee aan dooran lahaa waa mid isaga ka danbeeya aadka ugu dhow, Stevie G. Laakiin waxaa kow ii ah Paul Scholes.

“Isagaa ka horeeya marka ay timaado caqliga kubada cagta. Waxa uu ka dhigay Manchester United kuwa jaanta isla hela. Mar kasta oo aan la ciyaareynay iyaga waxaan u baahneyn hab aan ku celin karno Scholes.

“Waa run. Waxaan qabaa in Stevie G uu aad ugu dhow yahay. Laakiin Paul Scholes ayaa ka horeeya.”