The Telegraph Oo Baahisay Warar Ay Ka Naxeen Jamaahiirta Man United Kuna Saabsan Dhaawaca Marcus Rashford Ka Hor Kulanka Liverpool

Marcus Rashford ayaa qarka u saaran inuu seego kulanka ay Man United martida ku tahay Anfield, waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo inuu dhaawaca dhabarka ah muddo dheer ku maqnaado taasoo naxdin ku abuureysa jamaahiirta kooxda.

22-jirkaan heerka caalami ayey dhibaato kasoo gaartay ciyaartii ay 1-0 kaga badiyeen Wolves kana tirsanaa koobka FA Cup-ka, waxaana lagu soo waramayaa in dhaawaciisa uu ka xun yahay sidii la rajeynayay markii hore.

Ole Gunnar Solskjaer oo la weydiiyay dhamaadka isbuucii hore xaalada xiddigaan ayaa qiray inuu isku diyaarinayo kulanka Liverpool isagoo aan heysan gooldhaliyahiisa ugu sarreeya.

Waxaa hadda diirada la saarayaa inta uu Marcus Rashford ka maqnaan karo kooxda iyo kulamada uu seegi doono fasalkaan.

Man United waxey dhawaan la ciayaari doonta Man City kulan ka tirsan Carabao Cup, sidoo kale Red Devils waxey bisha dambe la ciyaari doontaa Club Brugge kulan ka tirsn wareega 32-aad ee Europa League.

Rashford wuxuu kusoo bilowday kulan walba oo horyaalka ah fasalkaan, balse dhaawaca dhabarka ah wuxuu ku maqnaan karaa muddo yar sida uu qabo Ole Gunnar.

Gareth Southgate ayaa qudhiisa ka walwalsan dhaawaca xiddigaan ka hor koobka qaramada yurub ee bartamaha sanadkaan dhici doona, waxaana la ogyahay inuu Harry Kane maqan yahay.

Bisha Maarso England waxey kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doontaa Denmark iyo Italy.