Tendai Biti oo xukun lagu riday

Maxkamad ku taalla dalka Zimbabwe ayaa xukun 7 maalmood ah oo xarig ah ku riday siyaasi caan ah oo dalkaasi u dhashay.

Tendai Biti ayaa sidoo kale xarigga ka badbaadi karaa waa haddii uu bixiyo ganaax gaarayo 200 oo doolar.

Tendai Biti ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu si sharci darro ah ugu dhawaaqay hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Nelson Chamisa sanadkii lasoo dhaafay inuu ku guuleystay doorashadii muranka badan dhalisay.

Tendai Biti ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono xukunka.

Waxaa uu sheegay in go’aankan uu kamid yahay isku dayada lagu caburinayo mucaaradka.