Tartamada Qur’aan akhriska Risaala oo weli socda (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho weli waxaa ka socda Tartamada Qur’aan akhriska, oo maraya qeybaha ugu xiisaha badan.

Tartanka Qur’aan akhriska Wiilasha ay da’dooda ka hooseyso 15 jirka ayaa waxaa maanta ku tartamay ilaa Saddex arday, kuwaasi oo maalmihii dambe si aad ah ugu diyaar garoobayay tartanka.

Ardayda maanta Tartanka Qur’aan akhriska Wiilasha ka qeyb qaadatay ayaa waxa ay ahaayeen ilaa Saddex arday, kuwaasi oo laga dareemayay diyaar garowga ay soo sameeyeen.

Dhanka kale maanta waxaa Tartanka Qur’aan akhriska gabdhaha ee 30-ka Juz ka qeyb qaatay ilaa Afar gabdhood, waxayna gabdhahan tartanka uga qeyb qaateen si wanaagsan

Tartanka Qur’aan akhriska Wiilasha ee 30-ka Juz ayaa waxaa taabagelinaya Ibnu Qayim Al-jawzi, halka Tartanka Qur’aan akhriska gabdhaha ay taabagelineyso Waaberi Jumbo Company (Waaberi Group).