Booliska dalka Talyaaniga ayaa magaalada Rome ku xiray ruux laga shakiyay, iyaga oo soo saaray warqado lagu xirayo labo ruux oo kale oo lagu eedeeyay iney wadeen falal amni daro oo ka dhaca dalka Talyaaniga.
Booliska ayaa xabsiga dhigay 26 sano jir lagu magacaabo Cabdulle Kurtishi, oo booliska ay kaga shakiyeen inuu falal amni daro geysan rabay, waxaana uu horey kaga soo baxsaday xabsi ku yaala Macedonia.
Baarayaasha ayaa sheegay in ruuxa la xiray uu xiriir la lahaa ruux u dhashay Macedonia oo horey loogu xiray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay.
Booliska Talyaaniga ayaa maalin ka hor ku xiray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ruux Soomaali ah oo isna la sheegay inuu ku hanjabay inuu falal amni daro ka geysanayo magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.
Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu ahaa ruux nabad galyo doon ah, balse looga shakiyay inuu qorsheynayay weeraro ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.
Wasaarada arimaha gudaha Talyaaniga ayaa sheegtay in sanadkii 2015 la xiray ku dhawaad 259 ruux oo falal argagixiso looga shakiyay, lana baaray inka badan 489 ruux oo laga shakiyay.


