Taliyihii Ciidanka Booliska oo loo Magacaabay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Dekreeto uu soo saaray ugu magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada X FS.

Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin ayaa hadda ah taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in maanta oo Khamiis ah shirka golaha Wasiirrada looga qaado xilka taliyaha ciidanka booliiska uu muddo labo sano ah soo hayay.

Sareeya Gaas Sulub Axmed Firin ayaa lagu abaalmariyay darajada Sarreeye Gaas u dalacsiiyay kahor xil ka lagu sameynayo iyo in dib loogu celiyo wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya uu horey wasiiru Dowlo uga ahaa kahor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Xilka Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaana maanta lagu wadaa  in loo magacaabo Jeneraal Asad Diyaano oo kasoo jeeda Puntland, waxaana sarkaalkan muddo la hadal hayay in xilka Taliyaha Booliska  loo magacaabayo  .